TP News: Wararkii Ugu Dambeeyey ee Kismaayo, iyo Axmed Madoobe oo wali ku dhagan labo qodob.

Magaalada Kismaayo wali waxaa ka socda shirkii dib u heshiisiinta beesha sade iyo maamulka Jubba, iyadoo heer gabo gabo ah ay marayaan wada hadalada.

Shirka oo shalay ilaa xalay socday ayaa Axmed madoobe wuxu aqbalay 12 qodob  oo kamid ah qodobadii la hordhigay ee ay beesha sade isku waafaqday,halka laba qodobne uu ka gows adeegay.

labada qodob ee uu diidanyahay ilaa hadda ayaa ah Kudaritaanka Baarlamaankiisa Xildhibaanadii ay laheyd Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo,isagoo qodobkaasi diiday sheegayne in beelo   badan ay ku dhaganyihiin ayna suuragal aheyn 10ka xildhibaan ee baarlamaanka Maamulkiisa lagu daraayo in beesha sade kaligeed ay 4 xildhibaan qaadato.

Qodobka labaad ayaa ah dib u soo celinta kuraasta beesha sade ay kulaheyd Magaalada Kismaayo, sida Xildhibaanada Degmadaasi kasoo gala, Gudoomiyaha Degmadaas, laamaha amaanka ee Degmadaasi, wuxuuna sheegay in qodobkaasne uu ku adagyahay taas badalkeeda uu ogolyahay in kursigii ay ku lahaayeen Degmada Jamaame uu dib u soo celsho inkastoo ergada wada hadalka ay arinkaasi diideen.

Sidoo kale beesha Sade ayaa aqbashay in Maamulka uu yeesho labo Madaxweyne Kuxigeen, kadib markii uu ku calaacalay in beelo badan oo soomaaliyeed ay ku dhaganyihiin, muhiimne ay tahay qancintooda.

Markale barqanimada Maanta ayaa dib looga balamay meel dhigidda labadaasi qodob, inkastoo aan la ogeyn in uu madoobe ka tanaasuli dooo ka dhagnaan shiyaha Qodobadaasi labada ah Bacdamaa kuwo kabadan uu aqbalay.

Wixii kusoo kordha kala soco Gedo Times Insha allah

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.