Dowladda Biljimka oo Xukuntay Madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb

Maxkamad ku taala magaalada Bruges la yiraahdo oo ku taala waqooyiga dalka Biljimka ayaa xukuno kala duwan ku riday M/weynihii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Max’ed Macalin Aaden Tiiceey iyo  Max’ed Cabdi Xasan Afweyne  oo loo haysto qafaalasho maraakiib mar u gacan galay koox burcad badeed Soomaali ah.

Max’ed Cabdi Xasan Afweyne  oo lagu xukumay 20 sanno oo xarig ayaa lagu eedeeyay inuu madax u ahaa burcad badeeda Soomaalida isla markana uu sabab u aha maraakiib badan oo la  qafaashay.

Dacwad oogayaasha ayaa Afweyne ku oogay inuu ku xad gudbay shaqaalo saarnaa markab nooca xamuulka qaada ah oo gacanta burcad badeeda ku jiray muddo 70 cisho ah.

Kooxdii haysatay rakaabkii saarnaa markabkas oo la yiraahdo Pompei  waxaa markii dambe laga qaatay lacag madax furasho ah gaaraysay 2 million oo Yuuroo.

Afweyne waxaa lagu eedeey inuu sabab u ahaa jir dil loo gaystay shaqaalihii markabkaas.

Maxkamada ayaa sidoo kale Max’ed Cabdi Xasan Afweyne ku amartay inay inuu baxsho lacag dhan 20,000 oo Yuuroo ah oo lagu sheegay inuu gacantiisa uga qaatay kabtankii markabka Pompei oo u dhashay dalka Holland.

Sidoo kale maxkamada ayaa 5 sanno oo xarig ah ku riday Max’ed Macalin Aaden Tiicey M/weynihii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb oo asna lala xiray Afweyne.

Maxkamada ayaa Tiicey ku eedeysay inuu door ka qaatay dambiyo abaabulnaa oo Soomaaliya ka dhacay.

Max’ed Cabdi Xasan  Afweyne iyo Max’ed Aadan Tiicey  labadaba waxaa dalka Biljimka lagu xiray sanadkii 2013 markaasoo sida la sheegay ay dalkaasi u tageen inay ka talo bixiyaan filim la sheegay in laga sameynayo sida burcad badeeda Soomaalida u howlgalaan.

Max’ed Cabdi Afweyne ka hor inta aan la xirin waxaa ku dhawaaqay inuu iskaga baxay burcad badeeda Soomaalida oo la sheego inuu mar madax u ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.