Dhageyso:Puntland oo Sheegtay in Dowladda ay Al-shabaab u soo dirtay dhankooda

Maamulka Puntland ayaa War ka soo saaray tagitaanka Xarakada Al-shabaab ee Degaanka  Garacad Ee Gobolka Mudug iyo Degaanka kale ee Garmaal oo ka tirsan Gobolka Nugaal ee Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi  Xirsi  Cali Qarjab  oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku lug-leedahay Weerarka Al-shabaab ay ku gaareen Gobolada Mudug iyo Nugaal ee Puntland.

“Waxaan Og nahay Weerarka Al-shabaab  ee ay ku yimaadeen Puntland,waxaa kale oo Puntland heshay Xogta ah in Dowladda Dhexe aysan ka Fara marneyn Al-shababka tagay Puntland”ayuu yiri Qarjab.

Wasiirka ayaa Xusay in Puntland ay horay u diiday Nidaamka ah 4.5 Ee lagu soo xulayo Xildhibaanada Soomaaliya islamarkaana Puntland ay qabto in Dowladda Dhexe ay qalalaase ka abuureyso Puntland.

Dowladda Soomaaliya wali kama Jawaabin Eeda uga timid Puntland ee ah in gacanta Dowladda aysan ka marneyn tagitaanka Shabaab ee Gobolada mudug iyo Nugaal.

Halkaan Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.