Dhageyso: Shabaabka gaaray Puntland oo Noqday Daacish.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Sababta ay Al-shabaab u tageen Degaanada Puntland gaar ahaan degaanka Garacad iyo Garmaal oo ka kala tirsan Gobolada Nugaal iyo Mudug Ee Puntland.

Al-shabaabka halkaa tagay ayaa la sheegay in ay ka baxeen Xeebaha Xarardheere iyo Ceel-huur ee Koofurta Gobolka Mudug,kuwaas oo Doomo ku tagay halkaas.

Sodoo kale Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaabka gaaray Degaanada ay doonayaan in ay aadaan Buuraha Goolis oo ay ku jiraan Al-shabaabkii laga saaray Galgala ee horay ugu biiray Daacish.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Dagaalameyaasha ka tirsan Shabaab ee halkaa Doomaha ku tagay uu Qorshahoodu yahay gaaritaanka Buuraha Goolis islamarkaana ay damacsan yihiin in ay ku biiraan Al-shabaab.

Halkaan ka Dhageyso:

War Suldaan Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.