“Aqriso” Magacyada shaqalaha lagu Afdubtay Duledka Degmada Bardheere.

Wararka laga helayo Gobolka Gedo gaar ahaan degaanka lagu Magacaabo  Siidam oo 50 KM u jira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in lagu Afduubtay Saddex Ruux oo u shaqeeya Hay’addo Gargaar oo ka howlgala Soomaaliya.

Saddexda Ruux ayaa la sheegay in ay u shaqeynayeen Hay’adda Bisha Cas iyo sidoo kale Hay’adda Samafal oo lagu Magacaaco Saado.

Waxaan lagu Magacaaba Dadka La Afduubtay

1, Aadan Cabdi Kheyr  2, Naasir Abshir Fiigo 3,Cali Sugale

Wararka ayaa intaa ku daraya in Dadka la Afduubtay lala aaday Degaanka War-cad 100  KM u jira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay Maamulaan Al-shabaab.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo Maxamed Yuusuf Al-qaadi  Ee uu  Magacaabay Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dadka la Afduubtay ay Maalmahaan Gargaar ka qeybinayeen Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Wali ma jirto Cid sheegatay in ay ka dambeyso Afduubka  Saddexda Ruux ee u shaqeeya Hay’addaha Samafalka ee Gobolka gedo lagu Afduubay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.