Daawo: Alshabaab oo soo Bandhigay Hubkii ay Kenya Kaga qabsadeen Dagaalkii Ceelcade ka dhacay Laba Bilood kahor.

Xarakada Alshabaab ayaa soo bandhigtay Saanadii Militiri iyo Gaadiidkii ay Kenyanka Kaga qabsadeen Dagaalkii ay kula wareegeen Degmada Ceelcade ee Gobolka Gedo laba bilood ka hor.

15-kii janaayo ee sanakani ayey aheyd markii ay alshabaab weerareen deegaanka ceelcadde ee Gobolka Gedo oo ay Kenya ku laheyd farisiin weyn , halkaas oo dagaal saacado badan socday kadib ciidamadii kenya laga dhigay, kuwo ladilo iyo kuwo nolasha lagu qabto, inkastoo tiro yar ay u baxsadeen dhinaca xuduuda.

Alshabaab aya dagaalkaasi kula wareegay sanad militiri oo faro badan iyo gaadiid dagaal, inkastoo gaadiidka badankii ay dab qabadsiiyeen kadib markii ay noqdeen kuwo loog uu ku xiranyahay oo aysan wadan karin cid aanan furayaasha hayn mooyee.

Ceelcadde waxaa hadda gacanta ku haya Alshabaab oo lawareegay kadib markii kenyanka ay ku qasbeen in si iskood ah ay uga baxaan deegaanka.

 

HOOS KA DAAWO MASAWIRADA AY ALSHABAAB KU BAAHIYEEN BARAHA BULSHADA.

ceelka1

ceelka6

ceelka8

ceelka2

ceelka3

ceelka4

ceelka5

ceelka6

ceelka7

ceelka8

ceelka9

ceelka10

ceelka11

ceelka13

ceelka14

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.