Daawo: Korneyl Barre Hiiraale iyo Masuuliyiin kale oo soo dhaweeyey kulamada Kismaayo ka Soconaya.

Waxaa Shalay Magaalada Muqdisho ku kulmay Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda Beesha Sade kuwaas oo taageeray Barnaamijka Wada hadalada ee uu Wasiirka Difaaca Soomaaliya kawado Magaalada Kismaayo.

Kismaayo oo ay hadda ku suganyihiin Siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Beesha Sade MUcaaradne ku ahaa maamulka Kismaayo ka arimiya, ayaa halkaasi waxa ay u tageen wada hadallo ay la galaan Maamulka Axmed Madoobe taasi oo uu Hormuud u yahay Wasiirka Gaaashaandhigga Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

Korneyl barre aadan Shire Hiiraale iyo Siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda Beesha Sade ayaa soo dhaweeyey shirarka iyo wadahadaladda kismaayo ka soconaya, waxayna ku baaqeen in laga dhabeeyo wada xaajoodka .

Kismaayo waxaa ka soconaya wada hadallo la filaayo in ay kasoo baxaan Natiijooyin wax ku ool u ah Dhamaan dhinacyada ku hardamaya SIyaasadda Jubaland,

Daawo Sawirada Kulanka.

 

barre1

barre2

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.