Ururka Samafalka HIRDA oo Maro kaneecooyin ka qeybiyey Degmada Baardheere(Sawwiro)

Ururka Samafalka wadaniga ah ee HIRDA ayaa maalmahii ugu dambeeyey gudaha degmada Baardheere waxaa uu ka wadey howl balaaran oo gargaar maro kaneecooyin loogu qeybinayey Qoysas gaaraya ilaa 3660,kuwaasi oo u badan Qoysas danyar ah ,islamarkaana laga soo dhex xuley ilaa 9 gooood oo ay ku jiraan xaafaha degmada iyo Xeryaha ay degan yahiin dadka barakacayaasha ah ee ku yaala duleedka degmada.

Xasan Cabdi Keynaan oo ah Madaxa Ururka Samafalka HIRDA oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay gargaarkani Maro kaneecooyinka ah in ay ka faa,ideysteen dad gaaraya ilaa 3660 qoys,isagoo sheegayna qoyskiiba in ay siiyeen ilaa 6 xabo oo ay ku xiran tahay hadba tirada Qoyska.

Gargaarka noocani oo kale ah ayuu sheegay in ay horey ugu qeybiyeen degmooyinka Kismaayo,Dolow,Baladxaawo iyo Garbahaarey,isagoo sheegayna howshaasi gargaar qeybinta in si nabad ay ku dhamaarey ,islamarkaana ay ka faa,ideysteen dadkii loogu tala galay.

Qaar ka mid ah Qoysaskii faraha badnaa ee la siiyey gargaarka maro kaneecooyinka ayaa soo dhaweeyey kaalmadan,waxayna sheegeen mudooyinii ugu dambeeyeyba in la daala dhacayeen xanuunka Cudurka malaariyada,balse haatan ay heleen waxii ay ka dugsan lahaayeen.

Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo
saalixi225@hotmail.com

DSC00691

DSC00707

DSC00708

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.