Degdeg: Alshabaab oo isaga baxay Deegaanka Garacad oo ay Xalay la wareegeen.

deg

Alshabaab ayaa saaka isaga baxay Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug kadib marki ixalay gaalinkii hore ay la wareegeen gacan ku haynta Deegaankaasi.

Garacad ayaa dhacda koonfurta bari ee Gobolka Mudug waxaana xalay la wareegay Dagaal yahanno ka tirsan alshabaab oo dhinaca badda kasoo galay, kuwaas oo halkaasi ku gaaray doomo tiro badan.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ay uga baxeen deegaankaasi, xilli xalay un ay aheyd markii ay lawareegeen gacanta ku haynta Deegaankaasi oo hoostaga Maamulka Puntland.

Tan iyo xalay Garoowe waxaa ka soconayay Kulamo ay lahaayeen saraakiisha amniga ee mamulkaasi kuwaas oo uu hogaaminayay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaasi, Injineer cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.