Daawo: Furitaanka Isbitaalka Midnimo Hospital Caabudwaaq

Munaasabad lagu daah furaya Isbitaal Cusub oo loogu adeegi doono
Bulshada Caabuddwaaq Ayaa lagu qabta Magaaladaasi.

Munaasabadan lagu daah furayay Isbitaalka Midnimo Hospital ee galbeed dagmada
Caabudwaaq ayaa waxaa ka soo qayb galeen Ugaas Axmed Barre Taakooy
,Maamulka Degmada Caabudwaaq ee Galmudug State ,Dhaqaatiirta ka howl
galaysa isbitaalkan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

Dr.Axmed Cumar  Cabdi (Axmed Baashi) iyo Dr Shaafici Xaaji Aadan Dirir
oo kamid ah dhaqaatiirta Soomaalida kuwooda ugu caansan kana mid ah
Bahda Daryeelka Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegay in Isbitaalkaan
uu bulshada Caabudwaaq ka dabooli doono baahidii Caafimaad oo ay u
aadi jireen Magaalooyin kale ee Soomaaliya

Qaybihii kala duwanaa ee bulshada ee goobta Xaflada ka hadlay ayaa soo
dhaweeyay Isbitaalkaan Cusub iyagoona dhamaantood ay ka sinaayeen sida
baahi Caafimaad loogu qabey Isbitaalkaan, Bulshaduna ay uga raysan
doonto Qarashkii faraha badnaa ee kaga bixi jiray Marka ay arimo
Caafimaad u aadaan Magaalooyin ay kamid yihiin Muqdisho,Garoowe,iyo
Gaalkacyo

Cabdirisaaq Jaamac Aadan oo kamid ah Qurba Joogta deegaanka ayaa
sheegay in Juhdi Badan uu kubixiyay sidii uu Isbitaalkaan uu uga
dhisi lahaa Magaalada Caabudwaaq  ugu danbayntiina mar xalado badan oo
uu lamarayna uu ku guulaystay Rajadiisii ahayd in Bulshadu ay
intifaacsato Isbitaalkaan

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq ee Maamulka Galmudug State Mahad Cumar
iyo Madaxa arimaha Bulshada Muuse inji ayaa Bulshada Caabudwaaq ugu
baaqay in ay amniga deegaanka adkeystaan si loogaaro hormar lagu
naaloon karo

Ugu danbantii ayaa waxaa goobta xaflada furintaanka isbitaalka Midnimo
ka hadlay Ugaaas Axmed Barre Taakooy isagoona dadka udhashey deegaanka
ee wax bartay ugu baaqay in  ay ku daydaan sida Dr.Axmed Cumar  Cabdi
(Axmed Baashi) iyo Dr Shaafici Xaaji Aadan Dirir oo labaduba
kudhiiradey in Bulshadooda ay ka haqabtiraan Baahiyaha Caafimaad ee ay
qabaan iyadoona ay xusid mudan tahay in ay imaanayaan dhaqaatiir kale
oo deegaanka u dhashey

Sikastaba ha ahaatee Isbitaalka Midnimo Hospital Caabudwaaq oo  ay
hada ku shaqabilaabeen dhaqaatiirtaan ayaa meesha ka saari doono
Baahidii Caafiamad oo ay qabeen Bulshada oo horey marka ay Caafimaad u
baahdaan safar dheer ugali jiray Qarash badana uga bixijiray ,waxaana
ay bulshadu ku sii haminaysaa in Qurba joogta kale ee udhashey
deegaanka ay sidaan oo kale uga qayb qaataan hormarka deegaanka

By Ayaanle Cabdulaahi Jaamac


Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.