XOG: Kulamo Fool ka Fool ah oo Maalintii Labaad Kismaayo uga Soconaya Gudiga Beesha Sade iyo Axmed Madoobe

Waxaa maalintii labaad galay shirkii dib u heshiisiinta ee dhinacyada Jubooyinka kaasi oo galay maxalad xaasaasi ah.

Shirka oo ay garwadeen ka yihiin Dowlada Fedraalka korjoogtane kayihin Dowlado shisheeye ayaa u dhaxeeya Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed madoobe iyo gudiga beesha sade ugu xilsaaran wada hadalada.

Dooda ayaa iminka toos uga socota xarunta ceymiska ee Magaalada Kismaayo, halkaasi oo wada hadalo Fool ka fool ah ay kasoconayaan maalintii Labaad.

waxaa laga war dhowrayaa qaabka Qodobada 14 ka ah ee ay beesha sade u arkeen xalka Jubaland sida uu uga garaabo hogamiye Axmed Madoobe oo isagu horay u balanqaaday in uu fulin doono waxkastaa oo ay beesha sade xal u aragto.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.