Qaramada Midoobey oo baareysa xiriirka ka dhaxeeya Soma Oil and Gas iyo Al-Shabaab

Sida uu qoray wargeyska maalinlaha ah ee ka soo baxa dalka Britain ee The independent, guddi Qaramada Midoobey ka tirsan ayaa baaraya suurtagalnimada in uu xiriir u dhexeeya agaasimaha qaybta Africa ee shirkadda Soma Oil and Gas iyo xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Macluumaadka ku saabsan baaritaankani ayuu wargeyska sheegay in laga helay warqad si qarsoodi ah ay ku heleen diblomaasiyiin u dhashay dalka Norway.
Shirkadda Soma Oil and Gas ayaa waxaa madax ka ah Michael Howard oo ahaa hoggaamiyihii hore ee xisbiga muxaafidka ee haya xukunka Britain.
Wargeyska The independent ayaa sheegaya in warqaddaasi oo lagu daabacay barta intarneedka ee BuzzFeed ay ka timid guddiga Qaramada Midoobey ee la socodka cunaqabataynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.
Shirkadda Soma Oil ayaa beenisay eedeymahaasi, waxa ayna sheegtay in agaasimaha shirkadda ee qaybta Afrika uusan wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab iyo koox kale oo xag jir ah, warbixintaasina ay tahay mid aflagaado ah oo lagu waxyeeleynayo sumcaddiisa.
Bishii July ee sandkii hore ayaa xafiiska baaritaanada culus ee qiyaanooyinka lacagaha ee Britain, ayaa sheegay in uu baarayo eedaymo musuqmaasuq oo ka dhan ah shirkad shidaal oo British ah oo ka shaqaysa Soomaaliya.
Shirkada ayaa sheegtay inay mar walba sharciga ku dhaqmaysay ayna la shaqayn doonto baarayaasha.
Sharikadda Soma oil and Gas ayaa waxaa la aasaasay horraantii sanadkii 2013-kii, iyadoo sida cad lagu socday aragti ah in Soomaaliya shidaal laga baaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.