Dhageyso:Sargaal Shabaab ah oo lagu Dilay Degmada Baraawe

Ciidamada Ammaanka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabelaha Hoose ayaa Toogasho ku dilay Sargaal Shabaab ah oo la sheegay inuu Weerar ku qaadi rabay Guriga Guddoomiyaha Degmada Barawe Xuseen Barre Maxamed Jeex iyo sidoo kale Saldhiga Ciidamada Ee Degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed  ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Ee Degmada ku sugan ay ka war heleen Ninkaan oo Weerar ku soo ah Guriga Guddoomiyaha islamarkaana ay Toogasho ku Dileen.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa dhawaan waxaa lagu dhaawacay Weerar Bam oo lagu qaaday Xafiiska uu ku shaqeeyo ee Degmadaasi.

Halkana Ka Dhageyso:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.