XOG: Saraakiil Itoobiyaan ah oo Kismaayo gaaray si ay qeyb uga noqdaan Dib u Heshiisiinta halkaasi ka socota.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya iyo Militiga Dowladaasi, ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo.

Saraakiishani waxaa kamid ahaa Janaraal Buran Gebrial oo ah Taliyaha Militiriga Itoobiya ee dhinaca Soomaaliya uq aabilsan, iyo Korneyl Satisfy oo ah Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee Gobolada Jubooyinka Iyo Gedo.

Socdaalka Saraakiishani ayaa scdaalkoda lagu sheegay ka amrqaati noqoshada Shirka dib u ehshiisiinta iyo wada xaajoodka ee kismaayo maanta uga furmaya Hogaanka Maamulkaasi, iyo Beesha Sade ee Maamulkaasi ka hor imaadsaneyd sanadihii lasoo dhaafay.

Waxay sido okale Dhinaca Maamulka Jubba Cadaadis kus aari doonaan Fulinta qodobada lagu heshiiyo bacdamaa marar badan ay sidan oo kale inta heshiis loowada galay uga baxeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.