Jen. David Rodriguez: “Al-Shabaab waxay isku dayayaan iney fekerkooda ku baahiyaan geeska Afrika oo dhan”

kenya

Taliyaha Taliska Ciidanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika Jen. David Rodriguez oo la hadlay Guddiga Senetka Maraykanka ugu qaabilsan adeegyadda hubeysan ayaa tilmaamay in Xaaladda Ammaanka Somalia taagan tahay meel quus ah.

Jen. David Rodriguez waxaa uu ka digay inay Alshabaab qorsheynayaan inay Fikirkooda ku ballaariyaan dalalka Bariga Afrika, maadaama ay culaysyo kala kulmeen gudaha Somalia.

Waxa uu tilmaamay in lagu guul-daraystay in la xaqiijiyo qorshaha lagula dagalamayo Alshabaab, wuxuuna arrintaasi ku sababeeyey iyadoo Ciiddanka AMISOM oo laga badiyey Culayska iyo iyadoo Ciiddanka Somalia haysato Tas-hiilaad xumo iyo qalab la’aan

Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika (AFRICOM) waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Dowladda Somalia weli ku tiirsan yihiin AMISOM oo ay kala qeyb galaan Hawlgalladda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Dowladda Somalia ka dhex jirto Loolan dhinacyada Hoggaanka, Taageeradda Lojistikadda iyo Is-kooxeysiga Qabaa’ilka.

Al-shabaab ayuu sheegay iney lumiyeen sannadkii hore dhul badan, isla markaana laga naafeeyey meelihii ay ka heli jireen Kharajka ay ku hawlgalaan balse wuxuu xusay inay Alshabaab weli dhaqaale iyo taageero ka helaan Degaanadda ay weli ku sugan yihiin ee aysan Dowladda maamulin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.