War Hadda Soo Dhacay: Shirkii Nabadda Ree Jubaland oo Goordhaweyd ka furmay Magaalada Kismaayo.

deg

War hadda soo gaaray Warqabadka Gedo Times ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Shirkii nabadda iyo Dib u hehsiisiinta ee dhinacyada Siyaasadda Jubaland ku hardamayay uu goordhaweyd ka furmay Xarunta Keydka haamaha Shidaalka ee Magaalada Kismaayo.

Shirka oo ah mid heerkiisu sareeyo waxaa goobjoog ka ah dhinacyada wada hadlaya ee Beesha Sade iyo Hogaanka Maamulka Jubba,

Dowladda Federaalka waxaa shirkaasi ku matalaya Wasiirka gaashaandhigga Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiir kuxigeenka Dastuurka Cabdulaahi Yusuf Alankeey, iyo ilaa lix Xildhibaan oo uu kamid yahay Xildhibaan Magan.

Itoobiya iyo Kenya ayaa waxaa shirkani uga qeybgalaya korjoogtane ka ah Danjirayaasha Itoobiya iyo kenya u jooga Soomaaliya, Taliyaha Guud ee Ciidamada Nabad Sugidda Itoobiya Janaraal Gebrial, Taliyayaasha Ugu Sareeye Ciidamada itoobiya Iyo kenya ee Soomaaliya ku sugan, iyo Masuuliyiin kale.

Waxaan goobta ka maqneyn Danjirayaasha Dowlado Shisheeye oo Arimaha Soomaaliya ugu qeybsan Dowladahooda, sida Safiirada Imaaraadka Carabta, kan Yemen iyo Danjirayal Kale.

Shirku waa mid la isku jilba jabsan doona, kala tirsasho eedeed iyo isku farataaftaagne la filayo in ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool u noqon doona guud ahaan Shacabka ree Jubaland.

Wixii kusoo kordha kala soco wadahadalani Gedo Times oo u heelan haqabtirida Akhristayaasheeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.