XOG: Axmed Madoobe oo Codsaday in Korneyl Barre Hiiraale uu Tago Magaalada Kismaayo

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dalbaday in magaalada Kismaayo la keeno Col. Bare Adan Shire Bare Hiiraale oo ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Sade si uu kaga qayb noqdo dib u heshiisiinta Jubbaland.

Madaxweyne Axmed oo la shiray siyaasiyiinta Sade ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa u sheegay in maamulkiis uu diyaar u yahay inuu qanciyo cid kasta oo ka soo hor jeeda ama diidan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale odoyaash iyo siyaasiyiinta Sade ku dhiiragaliyay inay ka shaqeeyaan sidii Col. Bare uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo.

Waxgaradka Beesha Sade iyo siyaasiyiinta Beesha ayaa isku raacay in si guud loo taageero maamulka Jubbaland ka dib shirar maalmahaan ka socday magaaada Kismaayo waxaana sidoo kale lagu heshiiyay in meel leeska dhigo wax kasta oo qilaaf ah oo jira.

Bare hiiraale ayaanan la ogayn sida uu kaga jawaabi doono dalabkaan iyo qorshaha hada ka socda magaalada Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.