XOG: Shixnad Militiri oo uu siday Markab kuna Socotay Itoobiyaanka Kismaayo ku sugan oo Halkaasi gaartay.

Shixnad Militiri ayaa shalay gaartay magaalada Kismaayo,taasi oo halkaasi ku gaartay dhinaca Badda,iyadoo shixnadaasi hubka ahne ay u socotay Ciidamada itoobiya ee Qeybta ka ah Hawlhalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Hubkani oo saarnaa markab ayaa ka dagya Dekadda Magaalada Kismaayo, iyadoo amaanka degkadane xiligii u markbkaasi so oxirtay ay sugayeen Ciidamada itoobiya ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah ula wareegto amaanka Magaalada Kismaayo,iyado omaleyshiyaadka iyo kenyanka Hadda Kismaayo ku suganba lagu wado in Bilowga Bisha APRIL lagala wareego Amaanka Magaalada Kismaayo.

Maleyshiyaadka Hubeysan ee Daacadda u ah Axmed madoobe ayaa itoobiya ay qorsheyneysaa in ay hub kadhigis ku sameyso kuna xareyso Xerada Luglow ee Duleedka Magaalada Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.