Dhageyso:Taliyaha Saldhiga Magaalada Baardheere oo Dil ka badbaaday

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu Qarax lagu Qaarajin rabay ka badbaaday Taliyaha Saldhiga Degmada Baardheere Maxamed Axmed Xasan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Taliyaha iyo Mas’uuliyiin kale oo la joogay ay ka badbaadeen Qarax Miino oo lagu Aasay Iridka hore ee Saldhiga Degmadaasi,halkaas oo ay Fadhiyeen Taliyaha iyo Mas’uuliyinta kale.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Qaraxa ay ka badbaadeen Taliyaha iyo Mas’uuliyiintii la joogtay,balse ay ku dhaawacmeen ilaa saddex Ruux oo kale oo Labo kamid ah ay Shacab yihiin iyo Askari ilaaladiisa ka mid ah.

Ciidamada ayaa halkaa ka sameeyay baaritaan xooggan,inkastoo aysan jirin Cid ay wali u soo qabteen Qaraxaasi.

Degmada Baardheere ayaa waxaa ka dhacay Todobaadkii hore Qaraxyo gaaraya ilaa 7,kuwaas oo geystay Dhimasho iyo Dhaawac.

 

Halkaan Ka Dhageyso:

Wareysi Ahmed Cali durus

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.