Daawo:Xaflad Balaaran ooSagootin iyo lacag Wareejin London

Xaflad balaraan oo xalay kadhacday Blue Ocean Restaurant London oo ay qaban qaabisey Jaaliyada Somaaliyeed ee kasoo jeeda Jubbaland iyo Galgaduud  isugu jirtay  sagootin loo sameeynaayey Deeqa Maxamed Siyaad,dhabacadeeye iyo wareejin dhaqaale loogu tabarucay isbitaalka wayn ee Siyaad Barre ee Garbaharey ee gobolka Gedo.

Xafladaan ayaa ahayd mid aad loo qaban qaabiyey waxaa halkaa ka hadlay Gumoomiyaha Jaaliyada Galjubba Adan cabdulaahi iyo qaybaha kala duwan ee bulshhada iyo gudigii soo aruuriy dhaqaalaha loogu talagalay isbitaalka (  Dream Team ).

Ugu dambeyntii waxaa halkaa ka hadlayey dhaqaalihiina lagu wareejiyey Deeqa Maxamed Siyaad iyo Asili hashi Dhabacadeeye  una mahad celiyey jaaliyada iyo shacabka soomaliyeed dal iyo dibad jooga oo ka hawl qaatey dhaqaale aruurinta waxaana ay balan qaadeen inay gaarsiinayaan dhaqaalahaan Isbitaalka Siyaad barre  sida ugu dhaqsaha badan .

Hoos kadaawo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.