Daawo: Maamulka Gobolka Gedo oo Degmada Luuq Kula Kulmay Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Degmadaasi.

Mamulka Gobolka Gedo, oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa kulamo kala duwan halkaasi kula yeeshay qeybaha bulshada ee Degmadaasi ku dhaqan.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Canjeex, iyo Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bakaal Kooke ayaa Bulshada Degmada Luuq ee Gobolka Gedo waxay kula kulmeen Gudaha Degmadaasi, iyagoo kala hadlay xaaladaha amni iyo mida nolaleed ee degmadaasi.

Canjeex Gudoomiyaha Gobolka oo la hdlayay Bulshada Degmadaasi, ayaa sheegay in shacabka ree luuq looga baahanyahay ka qeyb-qaadashada sugidda amniga degmadaasi iyo hormarinta deegaankooda.

Dhinaca kale ka qeybgalayaasha kulanka ayaa dhinacooda hoosta ka xariiqay in ay ku faraxsanyihiin la kulanka Masuuliyiinta ugu sareysa Maamulka Gobolka Gedo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKA MAAMULKA IYO SHACABKA DEGMADA LUUQ.

bulsho1

bulsho2

bulsho3

bulsho4

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.