Dhageyso:”Taliska Booliska G. Banaadir” Sadex Sargaal Ayaa Ku Dhimatay Werarkii Saaka Dhacay

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gen.Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Ninkii waday Gaarigii ku Qarxay Maqaayad u dhaw Xarunta Gaadiidka Ciidamada Booliska Ee Degmada Cabdi Casiis kaas oo dhaawac ah.

Gen.Cali gaab ayaa Xusay in Qaraxaasi lala Tamacsanaa Xarunta Gaadiidka Booliska oo uu Tababar uga socday Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya,waxaana uu intaa ku daray in Saddex Sargaal ay oo Boolis ah ay Qaraxa uga dhinteen.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Qarax ka dhacay  Agagaarka Dugsiga 21-ka October Ee degmada Waabari oo loo adeegsaday Mooto Bajaaj uusan jirin wax Khasaaro Nafeed ah oo ka dhashay.

Al-shabaab oo ka hadlay Qaraxyada Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in ay Qaraxyada ay ku Fashilinayaan Ammaanka lagu Wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Halkaan Ka Dhageyso

gaaboow

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.