Dhageyso: Maamulka Dibda Joog ah ee Degaanka Owdhiigle oo shegay ku Dhawad 20 Dagaalamyaal oo Ka Tirsan Al- shabab in Lagu Dilay Degankasi Ka dib Werar Diyaarado lo Adegsaday.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Weerar iskugu jira Cir iyo Dhul oo xalay Ciidamo aan wali la aqoonsan ay ku qaadeen Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha Dibad Jooga ah ee Degaanka Aw-dheegle  Maxamed Aweys Abuukar ayaa sheegay in Weerarkaasi ay qaadeen Ciidamo Cadaan ah oo wata Ilaa Saddex Diyaaradood islamarkaana Al-shabaab looga dilay ilaa 20 Dagaaleme.

Guddoomiye Maxamed Aweys  ayaa intaa ku daray in Weerarka lagu qaaday Al-shabaab ee ka dhacay Aw-dheegle uu u qaab ekaa kii Dowladda Mareykanka ay ka fulisay Degaanada Ceel-dibi iyo Raaso oo hoosyimaada Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan.

“Al-shabaab waxaa ay Dadka Aw-dheegle ku Amreen in aysan ka soo bixi karin Guryahooda illaa hadda Shacabka Banaanka uma soo bixi karaan”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Aweys Abuukar.

Al-shabaab dhankooda waxaa ay sheegeen in ay Fashiliyeen Weerar ay ku soo qaadeen Ciidamo Reer Galbeed ah oo ka dhacay Aw-dheegle,waxaana uu intaa raaciyay in Hal dagaalame oo Shabaab ah Weerarkaasi looga dilay.

Wali ma jirto Cid sheegatay Weerarka Cirka iyo Dhulka ah ee ka dhacay Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Halkaan Ka Dhageyso:

Wareysi Owdhiigle

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.