Dhageyso: kaliil ” Majiraan Wali kulamo Fool ka Fool ah oo Kismaayo ka bilowday, Dhawaan ayaase la filayaa”

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi kaliil oo Wareysi gaar ah siinayay Shabakadda Gedo Times ayaa ka waramay halka uu maraayo shirkii iyo wadahadaladii ay u tageen Magaalada Kismaayo isaga iyo masuuliyiin kale.

Kaliil ayaa hosota ka xariiqay in wali aysa jirin wada ahdallo u furmay iyaga iyo masuulyiinita Maamulak Jubba amrka laga soo tago kulamo Gogol xaar ah iyo gudiyo la sameeyey.

Wuxuu cadeeyey in ay ku raja weynyihiin inw adahadaladani ay guuleystaan isagoo sheegay in heshiisku uu cidkastaa dan u yahay, balse ay noqoto mid loo wada diyaarsanyahay.

ugu dambeyn wareysigani gaar ah ayuu kaga hadlay Maamulka Gobolka Gedo oo uu sheegay in uu aaminsanyahay in wali uu isagu hogaamiyo maamulka Gobolka Gedo.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga uu Kaliil siiyay Gedo Times.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.