Maqaal:Nidaamka Garsoorka ee Soomaaliya Sifo iyo Tilmaan Noocee ah ayuu leeyahay??? W/Q: Maxamed Xuseen Dhagey.

Waxaa la, yaab leh judicierySystem  ama  Nidaamka Garsoor ku sheega somaliya ma, aha mid islaam oo shareecadii oo barax la, a lagu maamulayo culimo aqoon leh oo axkaamta shareecada baratay ay hogaanka u hayaan ma aha kii gaalada oo rag bartay LAW ama sharciga gaalada maamulaan.

Waxaan aragnaa askar leh aayada number keedu yahay intaas suuratu hebla iyo qodobka A faqradiisa 208 maxaa isu keenay. alaah waxuu yiri jla Jalaaluhu xaqa haku dheehina baadilka oo aad xaqa qarisaan adinkoo og.

Aayadaha quraanka waa xaq qodobka A waa baadil waxaad moodaa inaan wali ku, socono wadadii qodxaha badnayd. oo aan abuurayno beer aan wali la, geed qaadin. kaaga sii darane maxkamadooda ayaaba sii qariban maxmad militry waxay qaadaa dambiyada askarta aaway maxkamadii badbaadada ? Aaway xeer ilaaliyihii qofka dambiilaha ah gal dacwadeedkiisa oo diyaarsan dambiga ku soo oogi jiray? Bal Adba.

Mida kale qof isagu qiraal ah sida xasan xanafi miyaa lawyar ama abuukaate loo qabtaa ? lawyer waxuu difaacaa qof aan qiraal ahayn waxbaa isku, halaysan warkuba waxuu ku dhan yahay hadaan xukunka qisaasta iyo dambiyada kale ama garsoorka iyo nooc kasto oo dacwo ah aan culimada faraha looga qaadin oo ilaaheey kitaabkiisa loo hogaansamin cadaalad arki mayno qabyaalad dhamaan mayso, dulmi suuli maayo, qofna nabad arki maayo dawladna cirkaa ka dhaw.

Waxba yaan la is daalin waxaa fiican umadu inay ogaato halka laga haysto waa joogtaa culimadeena sharafta leh sida Sheikh Umal, sheikh Maxamed idiris, sheikh mustafe Xaaji ismaaciil, sheikh mohamed xaaji yuusuf, sheikh Mohamuud shibili sheikh, nuur baarud sheikh maxamud Cabdalla aw-cariif iyo qaar kaloo badan lama soo koobi karo waxayna diyaar u yihiin in ay Umadooda u shqeeyaan ee aaway Nidaamkii iyo cidii ka faa’ideysan laheyd garsorka iyo cadaalada culumadaas u heelan wax u qabashada shacabkooda dhibaatadu daashatay.

W/Q Maxamed Xuseen Dhageey

Jubba, South Sudan

Mohamed hu671@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.