XOG: Waa Maxay Sababta ay wali u furmi la’yihiin Wada hadaladii uu Wasiir Diini Kismaayo ka waday.

Magaalada Kismaayo waxaa wali ka soconaya kulamo siyaasadeedyo uu halkaasi kawado Wasiirka gaashaandhigga janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini kuwaas oo lagu wada hadashiinaayo, Siyaasiyiinta ku kala aragti duwan Siyaasadda Jubaland.

Wasiirka oo maalmo kahor halkaasi gaaray ayaa ilaa iyo hadda ku guuleystay in dhinacyo kala duwan ay kismaayo isugu tagaan,kuwaas oo aan sanado is arag kuna kala irdhoobay dhismihii Maamulka Jubba.

Wali majirto wax kulamo Fool ka fool ah oo dhexmaray siyaasiyiintani marka laga soo tago kulan qado ah oo ay Jimcihii isugu yimaadeen,iyadoo la filaayo in maalmaha soo aadan ay bilowdaan wadahadallo la iskula xisaabamaayo,la guna wado in lagu hehsiiiyo awood qeybsiga jubaland ka dhaca.

Warar ay heleyso Gedo Times ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan beesha Caalamka ay codsadeen in aysan furmin wax wada hadal ah inta ay kismaayo ka soo gaarayaan si ay goobjoog uga noqdaan kulamadani lagu heshhiisiinaayo Siyaasiyiinta isku diidan siyaasadda iminka ka jirta Jubaland,

Siyaasiyiin Miisaan Culus kuleh JUbaland ayaa kismaayo ku sugan iminka kuwaa soo u tagay qaabkii loo sixi lahaa awood qeybsiga jubaland ka dhacaya dhismaha Xubnaha Fulinta ee Mamaulkaasi marka lasoo magacaabaayo, iyo qaabka loosoo xulaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.