Dhageyso:Sarkaal Shabab Ah oo Lagy Qabtay Degmada Qoryoley.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka howlgala Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Sargaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo lagu Magacaabo Maxamed Cali Geelle.

Taliyaha Ciidamada Degmada Qoryooley Amed Gaaboow Buule ayaa sheegay in Sargaalkaan ka tirsan Al-shabaab mudo lagu raad joogay islamarkaana laga soo qabtay Meel u dhaw Degmada Qoryooley.

“Ciidamada Ammaanka ayaa Gacanta ku dhigay Maxamed Cali Geelle oo ka tirsan Shabaab,Su’aalo ayaa la weydiinayaa Markii ay su’aalahu dhamaadaana waxaan ku Wareejineynaa Dowladda Dhexe ee Soomaaliya “ayuu yiri Axmed Gaaboow Buule.

Dhanka kale  Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay qorsheynayaan Weeraro kale oo ay ku soo qaadaan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Halkaan Ka Dhageyso:

yusuf abubakar ibrahiim war 06 03 2016

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.