Dhageyso:Maamulka Khaatumo oo Eedeeyn u jeediyay Puntland

qaatumo
Maamulka Khaatumo waxaa uu sheegay in Gobolka Sool ee 17-KM u soo galeen Ciidan ka tirsan Maamulka Putland kuwaas oo dagaal la-galay Ciidan kale oo ka tirsan Maamulka Khaatumo.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo Abshir C/Casiis Sh Maxamuud  ayaa waxaa uu sheegay in Gobolka Sool uu ka dhacay Dagaal kaas u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Khaatumo iyo Putland, inkastoo uu san sheegin inta uu gaar siisan yahay qasaaraha ka dhashay Dagaalkaas.

Waxaa uu tilmaamay in Ciidanka Maamulka Putland iyaga ku soo xadgudbeen taasna aysan marnaba u dulqaadan doonin sida uu isagu warka u sheegay.

Bashir C/Casiis Sh waxaa kale oo uu tilmaamay in hada ay Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sool soo dhexgaleen arrinta oo xaaladu roontahay.

Maamulka Khaatumo ayaa dhowr mar oo hore waxaa ay sheegeen in uu jiro xadgudub dhanka dhulka ah oo ay katabanayaan Maamulada Soomaaliland iyo Putland.

Halkaan Ka Dhageyso.

sheqalow 1

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.