Dhageyso:Dhaawaca Liibaan Madaxweyne oo loo diiday in Itoobiya loo qaado

Wararka ka imaanaya Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Maamulka Ahlusunna ay dib ugu celiyen Isbitaalka Dhuusamareeb Dhaawaca Liibaan Maxamuud Madaxweyne oo la doonayay in Dhaawaciisa loo qaado Wadanka Itoobiya si loogu soo daaweeyo.

Liibaan Madaxweyne ayaa shalay laga qaaday Magaalada Dhuusamareeb,waxaana la geeyay Degmada Gurceel,iyadoo la doonayay in halkaa looga sii qaado Wadanka Itoobiya si Xaaladdiisa Caafimaad loogu dabiibo.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday in Itoobiya lagu soo daaweeyo Dhaawaca Sargaalkaan islamarkaana ay dalbatay in Magaalada Muqdisho la keeno si loogu daaweeyo,waxaana Dowladda laga soo xigtay in Sargaalkaan ay doon dooneyso.

Halkaan Ka Dhageyso:

Wareysi Cabdulahi Warsame

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.