TOP Daawo: Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in La Dagaalanka Alshabaab hal dhinac looga soo wada jeesto.

Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ladagaalanka Alshabaab hal dhinac uga soo wada jeestaan.

Wasiirka Difaaca ee Dowladda Soomaaliya Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal shaqo kismaayo ku jooga ayaa shacabka jubaland iyo guud ahaan kuwa soomaaliyeed ugu baaqay in ay shabaab hal dhinac uga soo wada jeestaan.

Wasiir diini oo hadalkiisa siiwata ayaa Yiri “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya Cadowga aragagixisada ee Alshabaab in ay hal dhinac uga soo wada jeestaan, shabaab inuu ku dilo mooyee ku nooleyn maayo xitaa kan kula dhashay faa’iido maleh haduu mar shabaab noqdo, fadlan yaan la qarin Cadowgaas ee halala dagaalamo” ayuu yiri Wasiir Diini oo si caro leh u hadlayay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu wasiirka Difaaca ku baaqo ladagaalanka alshabaab oo alqaacida xiriir laleh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.