DAAWO: Deegaan Hoostaga Dhuusamareeb oo Biyo la’aan daran laga soo sheegayo

biyo

Deegaano hoosyimaada Xarun Goboleedka Galgaduud ee Dhuusamareeb ayaa lasoo warinaya in ay kajiraan biyo la’aan baahsan.

Deeganka Shimbiraala oo hoostaga Degmada Dhuusamareeb ayaa kamid ah deegaanada laga soo sheegaayo abaaraha biyo la’aanta kadhalatay roob la’aanta ka jirta guud ahaan dalka.

Deegaanka oo horay ay uga qodnaayeen afar ceelbiyood ayaa waxaa guray sadex kamid ah ceelashaasi, xilli hada dadka iyo duubyaduba ay kawada cabaan hal ceel oo qudha iyadoo kaasina biyaha kujira ay gabaabsi yihiin.

Dadka deegaankaasi ayaa qeylo dhaan ka muujinaya xaaladaha nolaleed ee la xiriira dhinaca Biyaha ee soo wajahay Deegaankaasi oo dad badan ay ku noolyihiin.

Dadka deegaanka ayaa qaarkood halkaasi isaga barakacay iyagoo qabtay halka ay isleeyihiin biyo waad kaheli kartaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.