DAAWO: Munaasabad ay lagu xusayay Sheekh Xasan Qoryooleey ayna ka qeybgaleen Maamulka Degmada Baardheere

Munaasabad Balaaran oo lagu xusayay Taariikhda Hogaamiyihii hore ee Ahlusunna sheekh xasan Qoryooleey aya Maanta lagu qabtay Gudaha Degmada Baardheere.

Munaasabadda oo ay ka qeybgaleen Xubno uu kamid ahaa Gudoomiyaha Degmadaasi Cadow Nuur Xasan iyo Saraakiil kale ayaa ka dhacday Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ka qeybgalayaasha Xuska ayaa isla qiray in sheekh qoryooleey uu ahaa Halgamaa la dirirayay Ururka Alshabaab oo ay ahlusunna Colaad Gaamuurtay kala dhaxeyso.

Sheekh Qoryooleey aya ahaa Gudoomiyiihi Hore ee Ahlusunada Koonfureed wuxuuna bartmihii sanadkii 2012-kii ku geeriyooday weerar dhabo gal ah oo ay alshabaab ku qaadeen kolonyo uu ka socday oo kasoo kictintay Degmada Garbaharay kuna wajahneyd Degmada Luuq Ganaane ee isla Gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.