Faalo Taxane ah: QUDBA SIRADA MA MUTCADII SHIICADAY SHABAHDAA?, MISE GIRLFRIEND-KA GAALADA.

GUUR LAGU WAREERSAN YAHAY.

waxaa sanadahaan kusoo batay bulsho weynta Soomaaliyeed Guur noocyo badan ah oo aanan horay loo aqoon markii aad ufiirsatana salka kuhayo masuuliyad ka carar iyo shahwo gudasho aan loo meeldayin sharci ahaan iyo curfi ahaan labadaba. gabay afcarabi ah ayaa micnihiisu ahaa : Hadii aad ibtaada iyo afkaada siiso wax kaste oo ay ku waydiistaan ama ay doonaan waxay ku dhaxal siiyaan xumaan meeshii u danbaysay.

waagii hore waxaan naqaanay Guur wanaagsan oo gabadha iyo wiilka ku heshiiyaan in ay wada samaystaan reer lawada ogyahay ookusoo biiro qoysaska caadiga ah.

inkastoo hababka loo marayey qaarkamid ah laga yara qurxanaa (waa nooca labixida) hadana laftiisa wuxuu ku dhamaan jiray in aabo iyo hooyo la hoos yimaado oo ay saxiixa udanbeeya saaraan sidaasna ku noqdaan qoys layaqaano oo meel dagan.

inkastoo uu jiray mid u eg kuwa aanu sheegi doono waa nooca loo yaqaano qudba-siro balse uu ahaa mid tirada inta samayso aad uyarayd haweenka sameeyana ay ubadnaayeen kuwo da ah sababta inay wax qarsadaan ay ugu wacnayd labo qodob oo kala ah : waa mida koobaade iyada oo ka xishoonaysay in wiilkeeda mid la eg ay hortiisa ugu shanlayso , waa tan labaade bulsahada soomaaliyeed dhexdeeda oo ay ceebku ahayd in haweenay ay rajadeedu yartahay inay dhasho in ay si lawada ogyahay uguursato, midii arinTeeda cadaysatana waxay ahayd mid haweenku ku haasaawaan.

hadaba guurka layaabka leh ee aan kor kusoo sheegay oo noocyo badan leh aanku bilaabo:

 kan koobaad ee ugu xun uguna stupidsan oo ah in la meher qarsado ama la qudba siraysto gabar uu joogo waligeed ama magaalada ha joogo, haka maqnaado, iyada lafteeda inta gaari lasaaro magaalo kale halaga soo meheriyo, waa meher aanwaxba ka jirin iyo zino aan geed loogu soo gaban.

qofkaste oo maskaxdiisu caadi tahay uusan aqbali karin in gabar yar oo mararka qaar iskooleey ah inta jiirooyinka loo istaago lasasabto ardaal meel fadhiyo oo aan waxba uga bi in la yiraahdo isagaa wali kuu ah oo wuuku meheriyey waalidkeed laga qarsado oo si tuugo ah loogu haysto guryo qarsoon iyo hoteelada.

kuwa culima iskusheega ah ee qurunkaan baneeyana wax shareecadeena saxda ah kusugan ma sheegaan . arintuugo ah oo qofkii lahaa lagala dhuumanayo hadana shareecaday ku banaan tahay waa arin layaableh, nabigu wuxuu yiri csw: danbiga waa midka laabtaada aysan ku xasiloonaan karin in ay dadku kugu arkaana aad kohonayso (dadku hakuu baneeyeene haday rabaane) .

Guurka saxda ah wuxuu u baahan yahay in qofkii dhalay gabadhan la warsado la, aantiisna aysan mehersamikarin. sidoo kale nabigeena Muxamaed csw wuxuu sheegay oo amray in guurka la iclaamiyo oo ay bulsahada wada ogaadaan.
Mid culimada noocaa qudbo-siro difaaca ah ayaa maalin aad ugu dooday in arinkaan banaan yahay nin ragii kamid ahaa ayaa yri: Allaah waxaan ka baryayaa in gabadhaada la meher-qarsado saa intuu naxay oo baadilkii uu difaacayey buray xaqiiqdiina soo kormartay halmar yiri: war maxaad ii habaaraysaa oo ay gabadhaydu kuu dhintay.
Arinkaan meel halis ah ayuu marayaa sida uu ugu baahsan yahay bulshada dhexdeeda, iyo xawliga kororka ah ee uu ku socdo gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaalidu degto sabasabtoo ah waxaa adag in xaalka burcad-gabdheedyada si fudud loo ogaado.

magaalooyinka sida ba an ay arinkaan uga jirto waxaa kamid ah: Muqdisho iyo Nairobi inta aan anigu ka warhayo. raga culimada u ah ee meheriyo gabdhaha waa rag inta badan bulshadu taqaano iyaguna aan isqarinayan. mar aan Nairobi tagay ayaa waxaa iiyeeray nin kamid, ah qaadiyada meheriyo gabdhaha noocaas lagu guursado wuxuu ahaa nin aanu si wanaagsan isu naqiinay wuxuu igu yiri: maadaamaa aad magaalada kucusubtahay saaxiibana aanu nahay wixii aad ii keensato si fudud ayaan kuugu kala tuurayaa oo raga aan wax ku meheriyo waxaan ka qaadaa shankun oo shilin keenya ah adiga laakiin waxaan kaa qaadayaa kun shilin keenya ah oo kaliya.

sheekada iyo taariikhaha foosha xun ee bulshada dhexdeeda ka taagan ee arinkaan uu badayna ciidaas ayay kabadan yihiin inta gabar gurigooda joogto oo dhawrsoon inta laga ogyahay oo rag soo doonay kadibna la ogaaday in waa hore balaayo martay oo ay sheegto in laqabo markii lawaydiiyo kiina inkiro ama waa hore ayaan furay yiraaho, ileen meherka ay sheegaan waa mid si otomaatik ah expire-ku noqonayo markii ay ogaadaan waalidkeed iyo umada kale.

ugu danbayn arinkaan hadaanan laga hortagin wuxuu keenayaa in bulshada dhexdeeda ku faafo sinada in guurkii saxda ahaa yaraado umaduna qiimo beesho oo jiilka cusub ee dhalanayo ay noqdaan wax aan nasab sax ah ku fadhin. sidaana ay radiilada iyo xumaantu ku faafto. sababatoo ah waxyaabaha qofku ilaashadao iskuna dhawro wax fara badan oo diintiisa ahna u wanaagsanaato waa xishoodka ilaalinta sharafta iyo nasabka qoyska. maxaa yeelay waxaa la hayaa gabdho badan oo sidaa uur ku qaaday markii la ogaadayna lagu inkiray

wax yaabaha la yaabkaleh ee xusida mudan waxaa kamid ah arinkaan kuma eka dadka miisaanka fudud ee masuuliyad yarida lagu tuhmo ee waxaa kamid ah dadka ka qaybqaato rag fara badan oo waliba sharaf iyo wanaag ku dhex leh bulshada oo qaarkamid ah culimanimo loo aanaynayo.

sababta ugu wayn ee ay ugu dhiiranayaana waa la idin ma ogo oo sharafkiina waa idiin dhawrsan yahay, sadexdii bilood ee kastana waxaad bacda ka goynaysaan gabar yar oo carga-cargood ah .
sidoo kale waxaa kamid ah raga qurbaha ka yimaado oo bilaha kooban nala joogo, nin ayaa iiga sheekeeyey rag koox ah oo isku xiran oo qurbaha ka yimid ayaa Muqdisho keenay mashruucyada gaagaaban ee saminaarada ubadan ee bulshada loogu sheekeeyo in wacyigooda sare loogu qaadayo, kadib markii bil ay u dhamaatay hawshoodii ayay safar udiyaar garoow bilaabeen hadaladii dardaaranka ahaa ee ninka odayga u ahaa uu xasuusinayey waxaa kamid ahaa: yaan la isku iloobin gabdhaha meherkooda.

meherka uu sheegayo ma ahan xoolihii gabdhaha lagu banaystay ee waa xarig-nijaaseedkii loogu sheekeeyey in lagu qabay.

Gabagabadii waxaan xasuusinaynaa kuwa guurbeenaad-jilayaasha ah arinkaana ka qaybqaadanayo oo kala ah: mehersadaha, qaaliga, labada markhaati, iyo saaxiibayaasha arinkaan ka qaybqaato ha ogaadaan waxa ay samaynayaan inaysan ahayn wax sahlan.

waa gabar ay dhaleen aabo iyo hooyada sida lawada ogyahay ku dhashay hadana ku bixiyey waxa ugu qaalisan ee ay haaban kareen sida: cimri, maskax iyo maal farahoodii ku qalqaloocdeen korinteeda, indhahoodii ku daciifeen, har iyo habayn ka fikirayey kuna daalay oo ku daldaalyoobay inaad sidaa sahlan loogu tunto loona baabiyo inaysan ahaanayn galaas biyo ah oo la is dhaafiyey ee xisaabteeda aakhiro iyo aduunba la helayo iyadoo waxaan la malaysan karin ah ciqaabteeda lala kulmayo.

qormada xigto waxaan kusoo qaadanaynaa hadii allaah yiraahdo guurka interest-ga gaaban ku fadhiyo oo intiisa badan ay sameeyaan raga qurbaha ka yimaado.

F.G: Faaladu Waa Mid Taxane usbuucle ah ee ha u deyma la’aanina.

W/Q : Maxamed ibraahim xasan.
Garbaharey, Soomaaliya
maxamed-ibrahim@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.