Dhageyso:Muxu Ka Yari Xasan Sheikh Isbadalka Amaanka Caasimda

Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlay oo ka dhacay Iskuulka Gen.Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya,Wasiirka Amniga,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,qaar ka mid ah Saraakiisha Amniga iyo Guddoomiyaasha 17-ka Degmo Ee Gobolka Banaadir.

Kulanka oo mudo Socday ayaa Ujeedkiisu ahaa sidii Maamulka Gobolka Banadir iyo Hay’addaha Amniga qaabilsan ay u wada shaqeyn lahaayeen,maadaama dhawaan Ammaanka Gobolka Banaadir lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Qorshaha Amniga Muqdisho loogu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir,waxaana uu xusay in loo baahan yahay in Ammaanka dalka laga wada shaqeeyo Shacab iyo Mas’uu; intaba.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xusay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha Ammaanka laga doonayo in ay wada shaqeyaan yeeshaan si Ammaanka loo Xaqiijiyo.

Halkaan Ka Dhageyso:

jjjjjjjjjjjj

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.