TOP News: Askari Itoobiyaan ah oo kamid noqday dadkii ku dhintay Qaraxyadii maanta ka dhacay Baardheere.

bardhere

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baardheere ee gobalka Gobalka Gedo halkaasoo saaka ay ka dhaceen qaraxyo xiriir ah ayaa sheegay in askari ka mid ah ciidamada Itoobiya in uu ku dhintay qaraxyadaas halka qof kale oo shacab ahna uu dhintay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen miinooyinka dhulka la galiyo waxaana ay ka dhaceen bartamaha magaalada.

Bartilmaameedka qaraxyada ayaa ahaa gaadidka u dhaamiya biyaha ciidamada Itoobiya ee AMISOM kuwaasoo xilligii qaraxyada ay dhacayeen marayay bartamaha magaalada Baardheere.

Ilaa shan qarax oo is xigxigay ayaa magaalada Baardheere ka dhacay maanta barqadii, waxaana dad badan ay ku abuurtay walwal iyo cabsi.

Qaraxyada maanta ka dhacay Baardheere waxaa kaloo ku dhaawacmay seddax qof oo kale,idda ay goobjoogayaal ku warrameen.

Qaraxyada maanta ka dhacay Baardheere ayaa saameen ku yeeshay ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii magaalada kuwaasoo weli xiran.

Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa maamulka Baardheere ayaa magaalada ka sameeyay howgallo miini baaris ah nawaaxiga halka ay wax ka dhaceen, waxaana jira dad loo soo qabqabtay qaraxyada ka dhacay Baardheere.

Ciidamada Itoobiya iyo Kenya oo qeyb ka ah AMISOM oo ay wehliyaan kuwa Soomaalida ayaa la wareegay degmada Baardheere ee gobalka Gedo dhammaadkii toddobaad ee sannadkii horre, waxaana dhorkii toddobaad ee ugu dambeeyay ka dhacay qaraxyo miino, dilal iyo falal kale kuwaasoo lala bartilmaameestay mas’uuliyiinta magaalada Baardheere, waxaana khal khal ku jira ammaanka magaalada.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ayaa magaalada Baardheere ka kala deggan jihooyinka Bari iyo Galbeed ee magaalada halka ciidamada Soomaalida ay ku sugan yihiin xarumaha dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.