XOG : Shaqaaqo Kismaayo ku dhexmartay Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Jubba Khsaarane sababtay oo Kismaayo ka dhacday.

Ciidamada Dowladda es ku xareysan Jaamacadda Magaalada Kismaayo aya maanta afaafka hore ee xeradooda waxa ay kudileen askari ay kusheegen inuu ahaa basaas.

Askariga la dilay oo ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Jubba ayaa dilkiisa uu yimid kadib markii askarta Dowladda uu xeradooda ugu tagay.

Geerida askariga kadib ciidamo katirsan Maamulka Jubba ayaa weerar kusoo qaaday xarunta jamacada iyagoo la kulmay iska caabin xoogan,waxaana ugu dambeyn shaqaaqada soo faragaliyay ciidamada AMISOM ee ka socda Dalka itoobiya kuwaas oo kala dhex galay askarta Dagaalantay.

Khasaaraha shaqaqooyinkaasi ka dhashy ayaa ah askari dhimasho ah oo maamulka jubba ka tirsan iyo mi dhaawac ah halka ciidamada Dowladda hal askari uu ka dhaawacmay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.