TOP News : Axmed Madoobe oo Ciidamo Tiradooda lala yaabay Maanta Tababar uga Furay Dee

axmed

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo maanta safar saacado qaatay ku tagay Deegaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose aya halkaasi u gaaray in uu furo tababar ciidan oo halkaasi ka furmay.

Tababarka oo saxaafadda loogu sheegay markii hore in loo furaayo 200 oo askari ayaa markii ciidanka la feylil waxaa meesha ka muuqday 24 askari oo kaliya.

Lama oga in hogaamiyaha ay saraakiisha ciidankiisa ay tiro qaldan usoo gudbiyeen iyo in ay sikale wax u jireen.

Ciidanka maanta laxareeyey ee tiradooda lagu sheegay markii Hore 200 askari ee gadaal ka noqday 24ka askari ayan la ogeyn mudada uu tababarka u socon doono, iyadoo hogaamiye Madoobe oo ka careysan safarkiisa guuldareystay uu Galinkii Dambe ee Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.