TOP: Ciidamado Katirsan Maamulka Jubba oo Xalay lagu laayay Gudaha Maagalada Kismaayo.

Ciidamada ka tirsan kuwa Maamulka Jubba ayaa xalay lagu laayay agagaarka Xaafada Guulwade ee Degmada Kismaayo kadib markeey is heleen Dabley Hubeysan iyaga oo baarasho ku sameynayay qaar kamid ah shacabka ree kismaayo.

Ciidamadani la laayay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa todobo askari kuwaas oo baarasho toos ah ku sameyn jiray xilayada habeenkii ah xaafada guulwade iyo agagaarkeeda.

Maamulka Jubba ayaa shabaab ku eedeyey dilka askartooda, sidoo kale shabaab aya asheegtay in ay dileen askartani kadib markii bey yiraahdeen ay badatay dhibka ay ku hayaan dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.

Afhayeenka maamulka Kismaayo cabdinaasir seeraar oo warfidiyeenada lahadlay ayaa sheegay in ay ku raad joogaan, dableydii dishay tiro askartooda kamid ah,inkastoo uu sheegay in aysan wali gacanta ku hayn ciidii falalkaasi dilka ah ka dambeysay.

wixi ikusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah

1 Comment

Leave a Reply to Ahmed adow Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.