Daawo: Munaasabad Balaaran oo ka dhacday Dugsiga Hoose, Dhexe ee Al-Qalam ee Degmada Baledxaawo.

maalmihii nasoo dhaafaywaxaa   xaflad lagu qabtay dugsiga hoose dhexe ee Alqalam ooku yaalao degmada Beledxaawo.  xaflada oo loo qabtay ardada waxkubarato iskuulka oo ku saabsanayd furitaanka  sanad dugsiyeedka cusub ee u bilowday iskuulka waxaa ka soo qayb galay  ardada iskuulka dhigata, maacalimiinta iskuulka, Maamulka iskuulka , gudiga iskuulka, waalidiin, iyo marti sharaf  fara badan.

xaflada waxaa lagu bilaabay aayadaha qur,aanka kariinka ah ,  kadib ardada iskuulka waxku barato ayaa soo bandhigay  barnaamij cilmiyeed isugu jiro: khudbado kala duwan ooku baxayo sadexda luqadood ee ardadu waxku barato, xiwaaro, iyo wada sheekaysi , halxiraale iyo bandhig-cilmiyeed  looga hadlayo cilmiga iyo sharafkiisa, jahliga iyo waji xumada uu leeyahay.

waxaa kale ooka hadlay maamulaha iskuulka  M. cabdifitaax M. maxamed oo si hufan u sharaxay taariikh koobana ka bixiyey iskuulka, iyo marxaladiisa waxbarasho ee uu hada marayo isaga oo sheegay in calaaskii sideedaad ee dugsiga dhexe  ay aradada u horayso ka qalin jabindoonaan  sanadka soo socdo, hadii Allaah yiaarhdo oo ardadaa ka qalinjabindoonta iskuulka ay waxbarashadooda sare kasii wadadn doonaan isla iskuulka  lana  furi doono dugsi sare oo uu yeesho iskuulka Alqalam.

sidoo kale waxaa ka hadlay macalimiin, waalidiin, iyo marti sharaf oo si wanaagsan usoo dhaweeyey  barnaamij cilmiyeedka  ay soo jeediyeen ardada, waxayna u mahad celiyeen macalimiinta, iyo waalidka iskuulka.

Dugsiga hoosedhexe ee Alqalam oo mustaqbalka dhaw la rajaynayo in uu yeesho dugsi sare wuxuu kamidyahay  iskuulada hoos yimaadao Mu,asasada Alqalam ee fadhigeeda ku yaalo Garbahaareey,  waana Mu,asaso waxbarasho  oo mudo 10sano iyo dheeraad ah ka hawlgasho iskuulo kuyaalo qaybo kamid,ah magaalooyinka Gobolka Gedo.

faaraxbile.

alqalamsom1@gmail.com

alqalambh@gmail.com

 

 

IMG-20160227-WA0001

IMG-20160227-WA0003

IMG-20160227-WA0004(1)

IMG-20160227-WA0004

IMG-20160227-WA0006

IMG-20160227-WA0014

IMG-20160227-WA0023

IMG-20160227-WA0029

IMG-20160227-WA0031

IMG-20160227-WA0033

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.