XOG: Hubkii ay Kenya ugu deeqday Indhakoreey oo la diiday in uu u soo gudbo Gudaha Soomaaliya, iyo askari Kenyan………..

kneya

Hubkii dhawaan ay kenya ugu deeqday Cabdirashiid Indhakoreey ee Usbuucii hore soo gaaray Degmada Mandheera ayaa laga horjoogsaday in uu usoo gudbo Degmada Baledxaawo oo qorshuhu aha in looga sii gudbiyo Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Israsaaseyn dhexmartay Ciidamada amaanka ee Maamulka Degmada Baledxaawo iyo askarta Kenya ayaa waxaa ku dhintay askari kenyan ah, halka mid soomaali ahne uu ku dhaawacymay.

kenya ayaa gudoomiyaha degmada Baledxaawo korneyl yusuuf Kaanti ka codsatay in uu u soo gacan galiyo askarigii dilka u geystay mid kenyan ah oo ku dhintay is rasaaseynta, inkastoo maamulka gudoomiye kaanti arinkaasi aysan jawaab kabixin.

dhinaca kale qorshihii hubkaasi loogu soo gudbin lahaa Baledxaawo ayuu fahsil soo wajahay, tiiyoo ay dhertahay in itoobiya aysan ogoleyn in dalkeeda la dhexmariyo hub loowado cabdirashiid Indhakoreey, oo ay dagaal kula jirto una diiday in uu doolow ku laabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.