Dhageyso: Madaficdii Suqa Xolaha Xalay Lagu Garacay oo Geeri Sababtay

Dagaal Culus ayaa xalay waxa uu ka dhacay Xerada Maslax ee Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii dagaalamayaal Hubeysan ay weerar culus ku ekeeyeen xerada oo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Weerarka oo uu ka dambeeyay is rasaaseyn xoogan ayaa la sheegay in markii soo idlaaday kadib Madaafiic lagu garaacay Xaafada Suuqa Xoolaha gaar ahaan Xaafad lagu Magacaabo Jilayaale.

Madaafiicda ayaa inta la ogayahay waxaa ku dhintay 1 qof 3  kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay weerarka xalay lagu qaaday Xerada Maslax ee duleedka Waqooyi Muqdisho.

Halkaan Ka Dahgeyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.