Dhageyso: Amaanka Muqdisho oo Lagu Warejiyay Maamulka G, Banaadir

Kulan aan caadi ahayn oo u dhexeeyay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka kuwa Gobolka Banaadir oo uu shir guddoominayay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa xalay waxa uu ka dhacay Xarunta maamulka degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Shirkani oo socday ku dhawaad 6 saacadood ayaa waxaa la isla gorfeeyay qaabka ugu haboon ee loo sugi karo ammaanka Magaalada Muqdiso oo muddooyinkii dambe ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad gelyada.

Cabdiraxmaan Tuuryare Taliyaha nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ammaanka Magaalada Muqdisho loo gacan galiyay maamulka Gobolka Banaadir wuxuuna hoosta ka xariiqay Tuur Yare in degmo weliba oo ay wax  ka dhacaan maamulkeeda lagula xisaabtami doono.

Isagoo sii wata hadalkiisa Taliyaha Nabad Sugida ayaa waxa uu tilmaamay in wixii haatan ka dambeeyo Al Shabaab lagu bartilmaamsan doono goobaha ay ku sugan yihiin isagoo carabka ku dhuftay in weerarada Al Shabaab ay ku soo qadaan Muqdisho ay ka soo qorsheeyaan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa isi soo tarayay weerarada Al Shabaab ay ka geystaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho

Halkaan Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.