Madaxweyne Xasan oo Kenya Ku Qancinaayo “War Saxfaded”

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu beeniyay inMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu daaha ka rogay tirada Ciidan ee sida rasmiga ah Dowladda Kenya looga dilay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen 15-kii bishii la soo dhaafay Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Bayaankan ayaa lagu xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ula jeedin wareysigii uu bixiyay in Dowladda Kenya weerarkaasi looga dilay 180-200 oo askari, balse waxaa Madaxweynuhu uu taasi ku tilmaamay mid uu ula jeeday tirada Askar ee laga yaabay in ay Xeradaasi ku sugnaayeen.

Qoraalkaasi ayaa sdioo kale lagu qeexay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Shacabkiisa ay ka go’an tahay si buuxdo u taageerida Militariga Dowladda Kenya oo uu ay ku sifeeyeen in ay qeyb ka yihiin Howlgalka AMISOM oo lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab.

Marka laga tago Warsaxaafadeedkan beeninta ee soo baxay, waxaad nala dhageystaan Erayada Wareysigii uu bixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu uga hadlaayay Weerarkii Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.