Degdeg: Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo Duqeymo Culus ka Geystay Gobolka Gedo.

Wararka naga soo Gaaraayo Deegaanka tuulo barwaaqo oo qiyaastii  ahaan Xarunta Gobolka Gedo ee Garbaharay Koonfur Galbeed kaga beegan 20km ayaa waxaa saaka Diyaaradaha dagaalka ee dowladda kenya ay ka geysteen duqeymo aad u culus.

ku dhawaad 6 Gantaal aya lagu riday dhowr xarumood oo Deegaankaasi kuyaala, sida Masjidka weyn ee Degaanka, Iskuulka Deegaanka iyo Guryo Dad rayid ah ay leeyihiin.

Goobjoogayaal ayaa Gedotimes u xaqiijiyay jiritaanka Duqeymahaasi, iyagoo shegay in uu ale ka badbaadiyay baajiyayne in ay qarxaan gantaalahaasi lixda ah ee lagu riday Xurumo dadka rayid ah daganyihiin oo kuyaala tuulo barwaaqo.

Walal waabarigii saaka ayaa duqeymo culus ay diyaarad kusoo riday deegaankani,ku dhawaad 6 gantaal ayey ahaayeen, labo kamid ah ayaa qarxay dad rayid ahne alle waxba kuma yeelin,masjidka, iskul iyo guryo dad rayid ah leeyihiin ayeyna kusoo dhaceen, cidne wax kuma noqon” Ayuu yiri Goobjooge codsaday in aan Magiciisa la xigan oo kamid ah dadka deegaanka Tuulo Barwaaqo.

Majirto cid ka hadashay duqeymaha hadii ay ahaan lahaayeen Masuliyinta Heer Degmo iyo Heer Gooblka ee Gedo, sidoo kale majiraan Xildhibaano iyo Wasiiro ama masuulyiin dowladeed oo wali ka hadlay Duqeymahani.

kenya ayaa Duqeymo aan kala joogsi laheyn kawaday Gobolka Gedo,iyadoo la xasuusto Xasuuqii Bil kahor ay ka Geysatay Deegaano ku teedsan Dhulka Diirharo ee Gobolweynaha Gedo, inkastoo Dadaalo aysameeyeen xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo kaso jeeda deegaan ay xoogaa hakigayen Duqeynta kenya,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.