TOP News: Kulamo Siyaasadeed looga arinsanaayo aayaha Jubooyinka oo kasoconaya Magaalada Muqdisho, Beelo badane ay ka qeyb-galayaan.

kulamo siyaasaded looga arinsanaayo, siyaasadaha murugsan ee kajira jubooyinka, ayaa waxay ka soconayaan Maagalada Muqdisho.

Kulamada oo ay leeyihiin ku dhawaad 10 beeleed oo kasoo jeeda Jubaland ayaa ilaa shalay kasoconaya magaalada muqdisho waxaana diirada lagu saarayaa saidii looga falcelin lahaa shir dhawaan uu axmed madoobe kismaayo ku daahfuray oo uu ku tilmaamay shir dib u heshhisiineed.

beelaha kulankani ka qeybgalaya waxaa kamid ah Beelaha Sade, Sheekhaal,Galjecel,Cawra male, Jareer, Tunni, Majeerteen,Raxanweyn iyo kuwo kaloo badan kuwaas oo kasoo jeeda jubaland.

Qodobada kulankani kasoo baxa ayaa lagu wadaa fulintooda in si degdeg ah looga hawlgalo, waxaana ka qeybgalayaal goobjoog ku ah kulankani ay wariye ka tirsan Gedotimes u sheegeen in kulamadani marka lasoo gabagabeeyo laga soo saari doono bayaan cad dhaqangalintiisane ay dabataalo sida uu hadalka u dhigay.

wixii kusoo kordha kala soc o wararkeena dambe insha allah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.