XOG: Madaxweyne Xasan oo wax aan macno laheyn ka soo qaaday xad gudubkii Kenya u geystay wafdigii RW Cumar

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa ka hadlay xanibaadii lagu sameeyay safarkii Ra’isal-wasaare Cumar Cabdi Rashiid ee Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyata iyo booqashadii madaxaweynaha uu ku tagay Eldoret oo lagu aasayay Askartii Kenya looga laayay Ceel Cadde.

Madaxweyne Xasan waxaa uu sheegay in uu ka warqabo in hakadka la geliyay Safarka Ra’isul-wasaaraha aysan ku socon isaga ee ay ahayd Dad isaga la socday, waxaana uu sheegay in Dolwadda Soomaaliya ay arrintaasi u martay sidii ugu habbooneyd ee loo mari lahaa Sharciga diblomaasiyadda.Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in wixii ay ka wada hadleen aysan isu marineyn Warbaahinta, islamarkaana si hoose loo xallinayo.

“Kenya iyo Soomaaliya waa saaxiibbo, wey dhacdaa in sida ay sameeyeen annaguna aan sameyno dadna celiyaan annagana celinno,taas dhib malaha, waxaana naga dhaxeysa saaxiibtinimo ka weyn” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka hadlay Safar uu isaga ku tagay Dalka Kenya Bishii January, markaasoo uu ka qeyb galay Munaasabad loogu baroordiiqayey Askar Kenya looga laayay Gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Waxaan uu madaxweynaha sheegay inuu arintaas ku saxsanaa aysana jirin cid isaga ka mudneyd inuu u tacsiyeeyo shacabka iyo dowlada Kenya wuxuuna xusay in askarta lagu laayey Ceel-cadde ay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray la dagaalanka cadowga umadda Soomaaliyeed sida uu yiri.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.