MAQAAL: Dadka Wax Akhriya kii Ugu Yaraa oo aan la Kulmay Hooyadi iyo Aabihii,Naxdintii Daqiiqadaha Gaartay.

Waa xili habayn ah oo jawigu aad udaganyahay waa waqti danbe oo qiyaastii ku aadan sideeda saac ee saqda dhexe dadka qaarna u yaqaanaan labada saac ee galinka danbe, waa waqtiyada aysan sahlanayn in hurdada laga kaco gaar ahaan qof caafimaad qabo oo hadana ku jiro waqtiga dahabiga loo yaqaano (waa waqtiga dhalinyaranimada e) waa goor aduunka oodhan uu qaboow yahay waxaa socoto dhaxan yar oo jirgal ah. waa xilli uu koco qof dan-leh oo Allaah ku xiran iyo qof la seexanwaayey laxaw daran (xanuun –dhul dhigtay) .

Goobtu waa guri yar ooka samaysan qoryo iyo dhoobo la isku dhajiyey korna laga saaray jiingad ama laamayeeri soomaalida qaarkamid ahna u taqaan baraako (cariish) waxaa dhex hurdo sadex qof Hooyo iyo Aabo cusub ama dhalinyaro qoysbiloow ah oo wali isu xiisa qaba waxfarabadan oo hiloow ahna uuka buuxo aadna u xiisaynayo mustaqbalka ubilowday ee aabanimo iyo hooyanimo.

qofka sadexaad waa wiilkoodii yaraa ee ay ku afbilowdeen waa curadka reerka wali waa kaligii waa mid nasiib uhelay jacaylka iyo shafaqada xad dhaafka ah ee Hooyo cusub waliba kaligii ayaa waqtigaas haysto wixii kalgacal iyo daryeel ahaa oo hooyonimo ee wada deeqi jiray ama uqaybsami lahaa raxmadii hooyo toban canug iyo kabadan ku kaliyaystay.

Wiilka yar wuxuu jiifaa dhexda Aabo iyo hooyo jacaylka ay u qabaan awgii ku aamini waayey sariirtii yarayd ee loogu talagalay, sanad wali magaarin oo wuxuu marayaa sideed bilood balse siwanaagsan u koray oo qayrkii karoone,ah.

waa wiil dareen badan oo waxa ka socdo hareerihiisa aad u og si aad ahna ula socdo, wuxuu marayaa xiliga darbi-ku istaag kudaalay gurguurashada ee rabo mar un inuu cagihiisa ku istaago.
Halmar ah ayay Hooyadii soo booday oo istiri bal wiilkii ka war doon saa waxay gacmaheedu ku dheceen maryihii jilicsanaa ee yar yaraa ee wiilku ku jiifay kaaga darane oo qabow ah waqti dheerna ugu danbaysay kulayl, qaylo iyo waxaa xigay war wiilkii xagee aaday,

mudo daqiiqado ah ayay isgarba ordayeen labadii qof ee wiilka lagu ogaa sariirtii yarayd kafiiri saa lagumahayo.
qofka bini aadamka ah marka ay soo wajahdo arin kadis ah oo hadana naxdinwadato maskaxdiisu shaqo iyo fariimo su,aal iyo isu jawaabid ubadan ayay qabataa aanan bilo lagu qaban maskaxda marka xaalku dagan yahay.

hadba mawjad hir ah ayaa maskaxdii kusoo dhacdo Albaabka ayay halmar kuwada ordeen mise waaba xiran yahay suurto galna ma ahan in ilmahaa yari oo hadana joogo xili danbe mugdina ah in uu albaabaka furo.

Waxay joojiyeen dhaqdhaqaaqii iyo orodkii bal inay wax shanqar ah maqlaan sariirta hoosteedana qooraansi iyo kaxulid bilaabeen. Dhuldhaca guriga waa ciid qofka ku dul taagan ama shayga kudul dhaqdhaqaayo way adagtahay in laga maqlo wax shanqar,ah.

Daqiiqado murugo iyo xanuun aan lasoo koobi Karin kadib waxay wiilkii kaheleen dhanka Aabo jiifay sariirta madaxeeda meel ku,aadan oo dhulka ah isaga oo fadhiyo waxdhar ahna aan qabin oo buug-weyn dhabta usaarantahay,

buuga wuu kala baxsan yahay oo wuxuu uhaystaa qaabka loo qabsado marka la akhrinayo wiilku afka ayuu dhaqdhaqaajinayaa buuga ayuuna ku fooraraa.
Inta ay labadii dhashay orodka iyo qayladhaanta gurmadka-yar ee kaliga ku ahaa ku jireen sida ay ila tahay wuu arkayey ama ugu yaraan maqlayey shanqartooda laakiin muhiimad kawayn ayaa u taalay.

buuga wuxuu ka soo qaatay maktabadyar oo ku taalo (kudhagan) sariirta uuku hurday madaxeeda soo godan qaybteeda hoose oo qaado ilaa labaatameeyo buug waxa uuna arki jiray aabihii oo inta buug kala soo baxo sariirta ku dul akhrinayo.

Hadii ay soo dul istaageen hooyo iyo aabo iyagoo farxada bilowga ah iyo naxdinta daba teelada ah qalbigooda kuwada hardamayaan wiilku ma bixin wax jawaab ah inuu dareemay in la dultaaganyahay hadii ay lahadleena madax kor uma qaadin wali buugii ayuu akhrinayaa afka ayuu kala dhaqdhaqaajinayaa mararka qaar aad maqlayso codka kasoo baxayo afkiisa.
Meeshii ayaa laga soo qaaday halkaasna ay ku dhamaatay dhacdadii naxdinta badnayd ee daqiiqadaha socotay .

Hadaba aniga qisadan sidaa u dhacday soo gudbinayo oo ilmahaas markii ay dhalanayeena joogay markii uu madaraso galayna goobjoog u ahaa maxaan wiilkaa ka sheegi markii uu koray? maxayse ku reebtay ama ku abuurtay tarbiyadaa wanaagsan ee wax akhrinta ah ee gurigooda ka jirtay? maxaanse qisadaan ka qaadanaynaa?.

Qisadan waxa aan u sheegayo waa hal qodob ah waa muhiimada ay leedahay wax akhrinta iyo sida ilmahaada ugu barbaarin lahayd inay noqdaan qof wax akhriyo:

1- Wax akhrintu waa muhiim uusan ka maarmi Karin qofka, qofka aan wax akhrina uu yahay mid indha la.

2- In awlaada lagu tarbiyeeyo wax akhrinta iyadoo loo marayo tabo iyo xeelado kala gadisan sida: adiga laftaada noqo mid wax akhriyo si ay kuugu daydaan ilmahaada, kusamee guriga maktabad hadii aad heli karto qol gooni,ah hadii kale qololka la seexdo mid kamid ah, marar badan kala hadal wax akhriska iyo qiimaha uu ku fadhiyo.

3- Nabigeena (calayhi salaam) markii ugu horaysay ee waxyiga kusoo dagay wax akhri ayaa la yiri. wax akhrinta ayaa waxkaste oo wanaagsan ku barayso waxkaste oo shar,ahna kaaga digayso.

Waxaan kusoo gaba gabaynayaa wiilkaa yar ee kabartay wax akhrinta aabihii isaga oo yar wuxuu noqday inta aan arkayey ilmaha ugu dadaal badan wax barashda uguna jecel wax akhrinta.
mararbadan oo aan arkay wiilkaa yarka,ah buug ayuu ku fooraraa haduu meel marayana buug ayuu gacanta ku wataa isagoo waliba kaalimaha hore ka galo ardada xaga aqoonta iyo xag akhlaaq intaba.

Maxamed Ibraahim Xasan.
Maxamed-ibrahim@hotmail.com

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.