Recep Tayyep Erdogan: ” Waxaan Somaliya ka Fureyna Safaarada Calamka Ugu weyn

Madaxweynaha Turkeyga Erdogan ayaa tilmaamay in Soomaaliya oo bur bur xoog leh dhex jibaaxeysay sanadkii 2011 iminka ay dib cagaheeda isugu taageyso taas oo ay ugu wacantahay dadaalada Turkey iyo beesha Caalamka.

“ waxaa laga taageeray horumarinta, Kobaca iyo amniga, laakiin Soomaaliya waxaa weli heysta mushkilooyin ay ka mid yihiin la dagaalanka Argagixisada iyo dib u dhiska Xarumaha dowladda” .

Erdogan ayaa sidoo kale Xusay in ay Maalgashanayaan Soomaaliya isagoo mid ka mid ah ku sheegay Maalgashiyadooda dhismaha Safaarada Turkey ee Magaalada Muqdisho, taas oo uu ku tilmaamay Safaaradda ugu weyn ee Turkey-gu ku leeyahay Caalamka isagoo intaas ku daray in bilaha soo socda uu soo booqan doono Soomaaliya si uu xariga uga jaro Safaaradaas.

Erdogan ayaa qeexay in uu rajeynayo in Soomaaliya ay hesho Maalgashi ballaaran islamarkaana ay Caalamka oo dhan ku soo dhiiradaan.

Madaxweynaha Turkey ayaa hadalkiisa sii raaciyay in 5 sano ee la soo dhaafay dalkiisa Soomaaliya ay ka kabeen taageero maaliyadeed oo gaareysa 370 Million oo dollar , halka ay hay’adaha aan dowliga ahayn Ee Turkey ku bixiyeen kaalmo gaareysa 100 Million oo dollar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.