Dhageyso: Taliyihii Nabad Sugida Magaalada Hobyo oo Is Casilay.

Cabdullaahi Cilmi Cawaale Taliyihii Nabad Sugida Maamulka Degmada Hobyo ee Galmudug ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkaas oo dhawaan uu u Magacaabay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Waxaa uu sheegay Cabdullaahi Cilmi in aan lagala tashan magacaabista xilkaas  isagoo tilmaamay in uusan dooneyn in uu siyaasad faraha la galo.

“ waan ku war geliyay maamulka Galmudug , anigu waxaan ahaa Waardiye Suuq , mana rabo shaqo Ciidan oo kale” ayuu yiri Cabdullaahi Cilmi Cawaale.

Dhawaayay ayey ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ay maamul uga dhawaaqeen degmada Hobyo iyadoo Taliyaha Maanta is casilayna uu qeyb ka ahaa dadka  xilligaas la Magacaabay.

Halkaan Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.