Dhageyso: Taliska Jinsiyada iyo Waxda Socdaalka Wax Badan Ayaan Ka Baranay Dhacadadi Daalo Airline

Tan iyo wixii ka dambeeyay 2 February 2016 oo ku beegneed dhacdadii Qaraxa uu gudaheeda uga dhacay Diyaaradda Daallo Airline oo hakad ku yimid duulimaadyadeedii qaar ayaa waxa ay dib u bilowday Duulimaadyadeedii Muqdisho Iyo Hargeysa iyadoo Todobaadyada soo aadana la filayo in ay bilowdo kuwii ay ku tagi jirtay Dubai sida ay sheegtay waaxda duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee waaxda Duulista Hawada ee Soomaaliya Cabdiwaxiid Sheekh Cumar ayaa sheegay in dhacdadii Daalo Ay cashir ka barteen islamarkaana la adkeeyay ammaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Max’ud Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha  ayaa sheegay in dhibaato ay ka dhacdo aduunka oo dhan , wixii ka dhacay Garoonka Muqdishana ay la mid tahay kuwa ka dhaca  Caalamka isagoo carabka ku adkeeyay in la xakameeyay agabka la  soo galiy Garoonka iyo kuwa laga dhoofiyo intaba si nabad gelyada koor loogu qaado.

Isagoo sii hadlayay Jeneraal Gaafow  waxa uu ka dalbaday shirkadaha Duulimaadyada in ammaanka ay kala shaqeeyaan laamaha qaabilsan ammaank.

Dhacdadii Qaraxa Mid ka mid ah Diyaaradaha Duulimaadyada ka sameeya dalka ayaa dhalisay hadal heyn badan iyadoona dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay baareyso ciddi ku lugta lahayd falkaas walow Al Shabaab ay dusha u riteen masuuliyadda Qaraxaasi.

Halkaan Ka Dhageyso:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.